Ma jeceshahay inaad badesho naftaada

 

Qodobadan aan kula wadagayaa wax ay kaa caawin doonaan inaad badashid noloshaada adiga oo ku celcelinaya maalin kasta.

Maalintaada inaad ku bilowdid oo aad tidhaahdid sidan

Ø Wax aan ahay ka ugu fiican ama tan ugu fiican.

Waligaa ma ku dhiiratay inaad erayadan u sheegto naftaada

Jooji isbarbardhiga naftaada iyo dadka kale sababto ah, adiga ayaa ugu fiican habkaaga gaarka ah. Markaa ku bilow subax walba inaad tidhaahdo anigaa ugu fiican kadibna arag isbedel.

Ø Waan awooda inaan sameeyo.

Haddii aad ku riyooto inaad noqoto milyaneer shanta sano ee soo socota

Waxaad yeelan doontaa laba cod oo gudaha madaxaaga ah. codka ugu horreeya wuxuu isku dayi doonaa inuu gudbiyo taas oo kuyidhaa ma samayn kartid, uma qalantid, ma haysatid maalgalin, ma haysatid wax kugu filan si kastaba ha ahaatee, codka kale ee sheegaya in aad haysato waxa ay ku qaadato inuu noqdo milyaneer waa midda aad u baahan tahay inaad dhageysato, midka dambe wuxuu noqon karaa mid yar, laakiin waxaad ubaahan tahay  inaad codkaas qabato.kaliya taas uun xasuuso waad samayn kartaa wax walba. adigaa   maskaxdaada ku hayn kara ,laakiiin waxay qaadataa waxqabad,dulqaad,iyo inaad wajahdo cabsidaada.

Ø Ilaahay had iyo jeer waa ila jiraa.

Ilaaheen wax walba wuu samayn karaa. Waxaad samaysaa waxaad awoodo, ilaahayna wuu samayn doonaa waxaadan awoodin. saaxiibadaa wax ay ku qosli doonaan riyadaada, waalidkaana ma rumeysan doonaan riyadaada lakiin wax garabkaaga jooga mar walba waa allaha(scw), waxa kaliya ee aad u baahantahay inaad sameyso waa inaad gacmahaaga ku sameysato.

Ø Waxaan ahay guuleyste

Lahow dabeecad sidan oo kale ah; meel kasta oo aan aadi doono, waxaan noqon doonaa guuuleyste, guushu waxay ku jirtaa dhiigeyga. waxaan u dhashay inaan noqdo guuleyste oo aan dhinto anigoo horyaal ah, guuldarradu maaha ikhtiyaar noloshayda ah.

Ø Manta waa maalinteydii.

Dhib malaha wax shalay dhacay, maalin cusub oo suurtagal ah ayaa soo baxday. isku qof ma tihid maanta sidaad shalay ahayd. jooji inaad ka fikirto wixii tagay oo ku dadaal mustaqbalkaaga sababto ah mustaqbalkaaga wuu qurux badnaan doonaa. wanaag ma aadan arag maalmaha noloshaada weli. kac adigoo dhoolocadeynaya una sheeg naftaada iney manta tahay maalintaadii.

2 Comments

Previous Post Next Post