Dhowr hab oo aad lacag u sameyn karto

 


Waqti go’an nolosheenna, dhamaanteen waxaynu ka fikirnaa, waxa aynu nahay samaynta nolosheenna xitaa haddii nolosheenu u socoto waddo toosan iyo in kale. inkasa oo dhinac kasta oo nolosheena ka mid ah ay leedahay dhibaatooyin kala duwan, laakiin samaynta lacagtu waa dhibaatada kaliya ee qof kastaa uu leeyahay, lagactu maaha wax walba laakiin wax walba ayaa ubaahan lacag. halkan wax aan kugula wadagayaa dhowr hab oo aad lacag ku sameyn karto;

Ø Samee lacag

Jidka loo maro taajirnimadu waa in aad lacag sameysato, ee maaha in aad kaydsato iyo in aad qarash gareyso, dad aad u badan lacag ay ku shaqeystaan ku qaataan in ay ku iibsadaan waxyaabo aysan rabin si ay dadka ugu qanciyaan taas ma jecla. Inaad kaydsato iyo inaad qarash gareyso way fududahay lakin wax aad u baahan tahay inaad lacag sameyso,nacasyadu wax ay kharashgareeyan lacagta kuna kharashgareeyan wax yaabo nacasnima ah laakiin dadka garaadka u saaxibka ah wax ay diirada saraan siday lacag ku samayn lahaayen ,waxaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso inaad  soo iibsato waxyaabo aadan rabin,kharash ku bixi waxyaabaha kusoo jiidaya inaad lacag badan sameyso, waxaad u baahan tahay inaad horumariso naftaada ,diiradda saarto naftaada ,tababarto naftaada oo aad hadaf dejiso si lacag loo sameeyo.

Ø Midda labaad waxaa ka sii muhiimsan in la sameeyo lacag badan

Isticmaal lacagta si aad u sameyso lacag. Waad u shaqeyn kartaa si adag lakiin ma shaqayn kartid si caqli leh waxaad ka shaqayn doontaa inta kale noloshaada sidaasi isticmaal lacagta si aad u sameyso lacag yacni   waxaad u baahan tahay inaad lacag ku bixiso lacag sameyn. Mid xasuusnow, taajirku kuma shaqeeyo lacag, waxay sameeyaan lacag iyadaana u shaqeysa.cashar fudud oo ku saabsan  lacagta; haddaan isku daydo inaad cayrsato bisadda, had iyo jeer way ka  carari doontaa adiga laakin haddii aad hayso wax ay bisadu rabto, Way kuu iman doontaa.waxay  soo jiidataa bisada! Si la mid ah, haddii aad rabto inaad lacag badan sameyso isticmaal lacag si aad u sameyso   lacag oo ku isticmaal lacagta ganacsi ama maalgashi kasta oo xalaala. Ganacso halka kuwa kalena hurdaan, wax baro halka kuwa kalena ay xafladeynayaan. Haddii aadan raadin hab aad lacag ku sameyso intaad seexanayso, waad shaqayn doontaa ilaa aad ka dhimato sidaa daraaded Hormari xirfadahaaga iyo aqoontaada xagga suuqgeynta ganacsiga, kaydka(stocks) iyo maalgashiga.

Ø Mida saddexaaad waa ku celcelinta

Kuma saabsana inta lacag ah ee aad sameyso ama aad kaydsato waxay ku saabsan tahay ugu danbeynti meeqa lacag ah ayaad ilaalisay, si adag ma kugu shaqeysay iyo dariiqadee kugu shaqeysay.

3 Comments

Previous Post Next Post